Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa ka hadlay go’aanka 28-ka bishaan Hi-Shabeelle looga saarayo 1,000 kamid ah Ciidamada Burundi ee Magaca AMISOM ku howlgala.
Waare waxaa uu sheegay in qaraarka Qaradama Midoobey iyo Midowga Afrika ee 1,000 ka mid ah Ciidanka Burundi looga saarayo Hirshabeelle uu culeys ku yahay maamulkiisa.
Sababta ayuu ku sheegay in hal qayb laga saarayo Ciidamada, halkii la rabay in Xeryo iyo Qaybo kala duwan laga qaado cududda intaa la eg.
Waxa uu tilmaamay in uu sameeyay isku dayo ay ku doonayaeen in ugu badnaan labo boqol oo askari laga qaado Hirshabeelle, qaybaha kalena laga qaado Ciidamo boqolaal ah si kunka askari loo bixiyo.
Go’aanka bixinta ayuu sheegay in uu ahaa mid horay loo gaaray, isla markaana aan la heli karin sabab dib ugu laabasho ah.
Waare; ayaa soo jeediyay in lagu baraarugu qorshaha yareynta AMISOM, lana doonayo in la diyaariyo Ciidamo Soomaali ah, si looga maarmo ku tiirsanaanta Askarta Midowga Afrika ka socota.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo hadalkaan siiyay mid kamid ah Teleefishinada gudaha ayaa sheegay in culeys waliba ay u raadinayaan sidii xal looga heli lahaa.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…