WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Waa maxay xiriirka ka dhexeeya saddaqada iyo liibaanta ama guusha?

Haddii aad taqaan macnaha Qur’aanka  waxa aad ogtahay in xukunka sharciga ah ee ugu dheer ee qur’aanku kahadlo uu yahay  sida loo maareynayo Deynta ama Amaahda, Sidaas awgeed Aayadda Deynta oo ah Aayadda 282 ee Suuradda Al-Baqra waa midda ugu dheer Qur’aanka, balse  dhowr meelood oo kala duwan ayuu Qur’aanku ugu hadlay Deeqada ama saddaqada, waxa  uu 3-5 bog  uga hadlay Qur’aanku waxtarka saddaqada iyo wax quurku u leeyihiin qofka Adduunka iyo Aaqiradaba.

Tusaale ahaan Aayadda 262 ee Suuradda Baqara waxa uu Qur’aanku ku sheegay in Dadka hantidooda ku bixiya si dar Alle ah kaddibna aan raacin ama kudarin  wixii ay bixiyeen Sheegasho iyo dhib  ay Alle agtiisa ku leeyihiin Ajar weyn isalamarkaasna aysan la kulmeyn Cabsi,  Murago iyo welwel .

Dhinaca Cilmiga Sayniska culimadu waxa ay baarayaan daawada iyo xalka Welwelka, Murugada iyo Niyadjabka iyo maareynta Diiqadda (Stress management) balse Daawo iyo Natiijo rasmi uma aysan helin, Mareykanka oo keli ah sida lagu sheegay tiro-koob lagu baahiyey Website-ka CNN ee Mareykan waxa jira 27 Milyan oo qof oo laga daweynayo dhibaato kadhalatay Welwelka, Murugada iyo Niyadjab, tiradaasi waxa ay kadhigan tahay 10%  tirada guud ee dadka Mareykanka, sababta ugu weyn ee mashaakilkan waxa ay qabaan culimada Muslimku in ay tahay ka fogaanshaha iyo go’idda xiriirka u dhexeeya qofka iyo Rabbigiisa.

Iyaga oo haddaba ay taas dabajoogaan waxa ay aqoon yahanka cilmiga Saynisku isku dayeen in ay  baaraan habab kale oo hadda kahor loo daweeyey   Welwelka iyo Niyadjabka kudhaca Bani’aadamka, hayeeshee waxa cajiib noqotay in culimada Sayniska ee Mareykanku heleen natiijo kayaabisay oo ah in dadka hantidooda bixiya ee siiya dadka u baahan ay helaan niyad ahaan Farxad iyo liibaan kabadan midda uu helo qofka isaga oo dhibban ama baahan qaata lacagta ay dadkaasi bixiyaan.

Si haddaba ay u xaqiijiyaan jiritaanka arrintaas Waxa ay meel isugu geeyeen koox dad ah waxa ay marsiiyeen imtixaan tijaabo ah oo loo adeegsaday qalab ama aalad lagu magacaabo FMRI (Functional magnetic resonance imaging)

FMRI waxa uu qiyaas kabixinayaa shaqada iyo waxqabadka Maskaxda, waxa uu awoodaa in uu bannaanka keeno ama kusiiyo waxa kadhexdhacaya maskaxda, isaga oo habdhaqan gaar ah oo maskaxdu sameyneyso ka bixinaya natiijo, waxa ay qofba mar ka codsadeen in uu qof u baahan oo jidka ama agagaarkiisa jooga siiyo ama ugu deeq lacag ama wax kale oo fiican, kaddibna iyaga oo adeegsanaya qalabka FMRI (Functional magnetic resonance imaging) waxa sawirro kaqaadeen maskaxda dadka saddaqada bixinaya iyo kuwa u baahan ee qaadanaya.

 

culimada Sayniska ee Ameerika tijaabadan ay sameeyey waxa ay ku ogaadeen oo u soo baxday in maskaxda qofka deeqda ama saddaqada bixinaya ay soo deyneyso ama soosaareyso Hoormoonka Liibaanta (Happiness hormones) kaas oo ka imaanaya meel kamid ah maskaxda oo ay u bixiyeen xarunta abaalgudka (Reward centre)

Hoormoonkaasi waxa uu yimaada marka aad qaadaneyso Abaalgud oo xarunta abaalgudka ee maskaxda ayaa firfircooni badan qaadaneysa kaddibna waxa ay soo deyneysaa hoormoonka Liibaanta sidaas awgeed farxad  iyo raynrayn ayuu qofku helaya.

Iyada oo haddaba laga shidaal qaadanayo Baaritaankaas cilmiga ah  mar walba oo aad Deeq ama Saddaqo bixiso xarunta abaalgudka ee Maskaxdaadu waxa ay soo deyneysaa hoormoonka Liibaanta, waxa aad heleysaa farxad, Liibaan iyo raynrayn kabadan tan uu helayo qofka baahan ee saddaqadaas qaadanaya.

Sidaas awgeed culimada Sayniska ee sameeyey tijaabadan waxa ay kula taliyeen dhammaan dadka qaba Niyadjabka, Cabsida, Welwelka iyo Murugadu in ay bixiyaan ama ay saddeqeystaan habaraatee Mood iyo Nool wixii ay heli karaan.

Tijaabada culimada Sayniska waxaa xaqiijiyey oo ay waafaqday Aayadda 274 ee Suuradda Baqara

Mustaqbal Media
WQ: Axmed C. Guutaale
MM Staff

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 mins ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

3 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

3 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

3 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago