Taliyaha ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Uganda, Jeneraal Francis Takirwa, ayaa la hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Uganda oo dhawaan Imaan doona gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Howlgalka AUSSOM.
Taliyaha oo dardaarmay ciidamada ayaa ugu baaqay in ay mar kasta ilaaliyaan midnimada Afrika Pan Africanism.
“Waa in aad ka shaqeysaan Midnimada iyo Anshaha Bulshada Afrika, adinka oo diirada saaraya wadaniyadda iyo ilaalinta danaha dalkiina” ayuu yiri Jeneraal Francis Takirwa.
Wuxuu xusay in ay u socdaan Soomaaliya, isla markaasna looga baahan yahay in ay xoojiyaan Nabadda kana hortagaan weerarada AS.
Ciidanka Uganda ayaa ah tirada askarta ugu badan howlgalka AUSSOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koofurta.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…