Ciidanka Israa’iil ayaa fuliyay duqaymo culus oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof halka ay dhaawacmeen ku dhowaad 100 kale, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay in uu dib u billaabayo dagaalka kaddib markii uu Xamaas ku eedeeyay in ay jabisay xabbad-joojinta inkasta oo dhaqdhaqaaqaas uu beeniyay hadalkaas.
Duqaynta Xooggeeda waxa ay ka dhacday Xaafadda Saytuun, waxaana dadka dhibaatadu soo gaartay ay yihiin Dadkii dhowaan dib ugu laabtay Xaafaddaas kaddib markii ay dhaqangashay Xabbad-joojintii lagu saxiixay Magaalada Sharma-Alsheekh ee Jamhuuriyadda Carabta Masar si loosoo afjaro colaaddii socotay labada sanno.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka codsaday in uu meesha ka saaro xabbad-joojinta uu gadaal ka riixayo si uu dib ugu laabto dagaalladii dhiigga badan ay ku daadinayeen balse lama sheegin jawaabta uu siinayay Madaxweynaha Maraykanka.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…