GUDAHA/wararka

Koofur Galbeed oo sheegtay in ay la xisaabtamayso Dadka hurinaya colaadaha Beelaha

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in ay la xisaabtamayso Dadka hurinaya colaadaha Beelaha kuwaas oo doonaya in ay si socdaan dagaallada iyo dilalka kale ee aanooyinka la xiriira ee loo gaysanayo Dadka birimageeda ah sida hadalka loo dhigay.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa u istaagay sidii la isugu keenni lahaa Odoyaasha dhaqanka si looga hadlo xal u helista colaadda u dhaxaysa beelaha dagaalamay.

Waxa ay digniin u direen Dad ay sheegeen in ay bannaanka ka joogaan goobaha dagaalladu saameeyeen balse sii hurinaya colaadda, Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku hanjabtay in dadkaas ay gacan adag ku qaban doonto.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose & Dib u heshiisiinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in heshiis hordhac ah laga gaaray isku dhac dhexmaray beelo Maleeshiyaadkooda ku dagaalamay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in ay ku howlan tahay dabagalka Dadka ka shaqaynaya iska hor keenista Beelaha Walaalaha ah, waxa ay u digtay shakhsiyaadka sida khaldan Bulshada isaga hor keennayo sida ay hadalka u dhigtay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago