GUDAHA/wararka

Uganda oo billowday in ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya

Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa billaabay inay si tartiib-tartiib ah uga baxaan Dalka si ugu dambayn dhammaadka sannadka soo socda 2027 ay u dhammaystiraan qorshaha bixitaankooda sida uu sheegay Afhayeenka kumeel gaarka ah ee Ciidankaas, Col Chris Magezi.

Ciidamadaan baxay waxa ay joogeen Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, waxa ay qayb ka ahaayeen mas’uuliyadda Amniga Degmooyinka Baraawe, Marka, Buulo Mareer, Janaale, Qoryooley iyo kuwo kale.

Askarta Uganda ee Soomaaliya jooga ayaa loo kala qaybiyay labo waxaana qayb kamid ah ay ku joogaan fasaxa Midowga Afirka ee garan istaagga ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay halka kuwa ay ku joogaan heshiiska gaarka ah ee labada Dowladood.

Ciidamada Uganda waa askarii ugu horreysay ee Soomaaliya la keenay 20 sano kahor, Xukuumadda Kampala waxaa Soomaaliya looga dilay Saraakiil iyo Ciidamo halka askartooda qudbooda ay gaysteen dhibaatooyin ka dhan ah Dad Shacab ah, halka qaarkood lagu soo oogay dacwad ka dhan ah musuq ay ku sameeyeen shidaalka & Sahaydooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Midowga Afirka ka heshay Kalsooni buuxda oo la xiriirta in lagu wareejinayo mas’uuliyadda Amniga Dalka marka la gaaro waqtiga uu soo idlaanayo howlgallada ay ka wadaan Qaybo kamid ah Soomaaliya halka xeryaha qaar kol hore ay wareejiyeen

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Netanyahu oo si rasmi ah u lumiyey aqlabiyaddii uu ku lahaa doorashada Israa’iil.

Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa si rasmi ah u ansixiyey natiijada doorashadii baarlamaanka ee…

8 hours ago

Liibaan Axmed Xasan oo si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Galmudug

Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay…

8 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Cumaan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay…

9 hours ago

Shiinaha oo Maraykanka ka dalbaday in uu ka raalligeliyo eedihii uu u jeediyay ee la xiriira Covid-19

Maxkamad ku taalla Magaalada Wuhan oo ah bartii uu kasoo billowday Cudurka Aafada ku noqday…

11 hours ago

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Galmudug ka billaabay howlgallo ka dhan ah AS

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Janaraal Khaalid) iyo wafdi…

12 hours ago

Madaxda DFS oo ku wajahan Dhuusamareen si ay uga qaybgalaan Caleemo-saarka Hoggaamiyaha Galmudug

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug…

13 hours ago