Turkiga oo xir xiray soo galooti ay Soomaali ka mid tahay

Ciidamada Sohdimaha Dalka Turkiga ayaa waxa ay xabsiga dhigeen 170 qof oo ka soo jeeda dalal kala duwan kuwaas oo qaab sharci darro ah ku galay gudaha Dalka Turkiga.

Ciidanka Amaanka ayaa Magaalada Didim ee Gobolka Aegean Aydin,waxaa ay ku qabteen 104 qof oo soo galooti ah.

Inta badan dadkan waxaa ay u dhasheen Waddamada Ciraaq, Falastiin, Syria, Soomaaliya, Bengaladesh iyo Afghanistan,waxaana ku jira Haween iyo Carruur.

Warbixin ay soo saareen Ciidanka ayey ku sheegeen in dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen dad gaaraya 735 oo qof oo Tahriibayaal ah.

todobaadkii la soo dhaafay labo shil Gaari oo ka dhacay Turkiga ayaa waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 30 qof oo Tahriibayaal ahaa.

Saraakiisha Xuduudaha waxaa ay sheegeen in howlgallada todobaadyadii la soo dhaafay socday waxaa lagu qabtay dad u kala dhashay dalalka kala ah; Pakistan, Iraq, Afghanistan, Somalia, Libya, Bangladesh, Algeria, Egypt, Palestine, iyo  Morocco

Mustaqbal media

Recent Posts

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

14 mins ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

5 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

7 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

7 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

8 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

10 hours ago