Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaraysa Aqoonyahannada ka shaqeyneysa Shidaalka Dalka sida uu sheegay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay xiriirka Labada Dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya iyada oo heli karta in dhaqaale badan ay ka hesho Turkiga ay ka door bidday in loo tababaro kaadiriin ka shaqaysa arrimaha shidaalka Dalka.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in dhaqaale badan oo la siiyo Soomaaliya ay ka faa’iido badan tahay in khubarradii maamuli lahayd Shidaalkeeda waqti la geliyo oo loo tababaro si faa’iidooyin dhinacyo badan ah loo helo.
“Turkiga keliya Shidaal nooma qodaayo ee waxa uu inoo tababarayaa Khubarradii Mustaqbalka Maamuli lahayd Shidaalka, anaga oo heli karna in dhaqaale badan aan ka helno Turkiga ayaa ka dooranay in naloo tababaro Kaadiriintii maamuli lahayd” Sidaasi waxaa yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.
Bilaha ka dhimman sannadkaan waxaa Dowladda Turkiga looga sugayaa in ay soosaarto jawaab la xiriirta natiijada shidaalka ay horay u sahmisay kuna dhaqaaqday in ay bannaanka keento sida ay xuseen mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Dal.
Mustaqbal
Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada…
Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…
Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…
Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…