Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in uu yahay qofka keliya ee xil fulin ah hayay 18 sanno Dowladdii Kacaanka kaddib, waxa uu intaas ku daray in aanay u dhimaneen guul iyo wanaag.
Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in uu ku saxnaa inuu xiligaan nasiino qaato, waxaaana uu intaas sii raaciyay in uu Galmudug u rajaynayo inay sii waddo horumar, nabad iyo barwaaqo sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Galmudug.
Waxa uu shaaciyay in aanay suuragal ahayn in uu dib ugu laabto Dowlad-Goboleedka Galmudug oo uu halkaas hoos fadhiisto balse hadafkiisu uu yahay in uu ag fadhiisto Madaxda Federaalka sida uu markale hadalkaas ku celiyay Madaxweyne Axmed Qoorqoor.
“Waxaan ahay qofka kaliya ee xil fulin ah hayay 18 sanno dowladdii Kacaanka ka dib, Aniga shaqsiyan marka aan iska soo qaado, Guulna iima dhimanayo, wanaagna iima dhimano, Xidlhibaann marka laga yimaado markii la baaray Nin 18 sano xil hayay oo aan anigu ahayn waala waayay” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha DG Galmudug, Axmed Qoorqoor.
Waxa uu horay u aqbalay in uu ka tanaasulo Xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxa uu hadda xilkaas haynayaa ilaa inta laga soo dooranayo Madaxweynaha baddelaya sida uu horay u sheegay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Mustaqbal
Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada…
Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…
Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…
Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…