GUDAHA/wararka

Turkiga oo 13 sanno kaddib Safiir u dirsaday Suuriya

Dowladda Turkiga ayaa 13 sanno kaddib waxa ay magacawday Danjire u joogi doonna Dalka Suuriya ee kasoo kabanaya Dagaalladii ka dhacay Dalkaas, Nuh Yilmaz oo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalkaas ayaa noqonaya Danjiraha howshaan qabanaya.

Sidoo kale waxa uu horay usoo noqday Madaxa fallanqaynta iyo ka hortagga Basaasiinta ee Hay’adda Sirdoonka Turkiga loona soo gaabiyo MiT, Ninkaan oo awood buuxda u leh howlaha diblumaasiyadda iyo sirdoonka ayaa shaqadaan loo igmaday si uu isugu xiro Dalalkaan xad-wadaagga ah ee Suuriya & Turkiga.

Turkiga ayaa safka hore uga jira Dalalka garab istaagay Dowladda cusub ee soo afjartay nidaamkii waqtiga dheer ee qoyska Reer Asad oo ay isaga kala dambeeyeen Xaafid iyo Bishaar oo ugu dambeyn Deseembar 2024 lasoo gabagabeeyay awoodooda Maamulka.

Xukuumadda Ankara ayaa xoogga saaraysa sidii Dalal badan ay ugu dhiiran lahaayeen la shaqaynta Dowladda sharciyadda haysata ee Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Al-Sharci si looga caawiyo dib u dhiska, Diblumaasiyadda iyo Siyaasadda.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

2 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

5 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

5 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

7 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

7 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

21 hours ago