GUDAHA/wararka

Maxamed Mursal “Safarkii Baydhabo ma baaqan, Madaxweynaha ayaa naga codsaday illaa November”    

Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay sababta baajisay safarkii uu ku tagi rabay Magaalada Baydhabo 21kii Bishaan si uu xafiis uga furto Xisbigiisa.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday in safarkiisa uu dib u dhigo ilaa bisha soo socota ee nofeembar sida uu Warbaahinta la wadaagay.

“Safarkii Baydhabo ma baaqan, Madaxweynaha ayaa naga codsaday illaa November” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan isaga oo beeniyay in Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu udiiday Magaalada Baydhabo.

Maxamed Mursal waxa uu kamid yahay xubnaha Mucaaradka ee Dowladda Federaalka heshiiska kula galay Doorashooyinka iyo hannaanka loo wado, waxa uu furtay Xisbi uu u raadinayo taageerro & Xafiis uu ku yeesho deegaannada muhiimka u ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

48 mins ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

60 mins ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

3 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

3 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

8 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

9 hours ago