GUDAHA/wararka

Trump oo qiray in Muslimiinta Maraykanka ay door muuqda ku lahaayeen Doorashadii 2024

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo kulan af-fur ah ku qabtay Aqalka Cad ayaa bogaadiyay Muslimiinta Ameerika oo la’aantooda uu sheegay in uusan dib ugu soo noqon lahayn xafiiska maadaama door firfircoon ka qaateen doorashadii ka dhacday Dalkaas.

Donald Trump ayaa sheegay in Bulshada Muslimiinta ee Maraykanka doorkooda Doorashadii dhacday 5tii Nofeembar 2024 uu ahaa mid aan la hilmaami karin, waxa uu bogaadiyay sida wanaagsan iyo hab dhaqankooda la noolaashiyaha dadka kale.

Trump ayaa sheegay in Ameerika ay ka kooban tahay Dad kala diimo ah oo haddana ka dhaxeysa hal dan oo ah in diiradda la saaro muhiimadda uu waddanka u leeyahay taasina ay tahay midda loo baahan yahay sida uu sheegay.

“Waxaa si miisaaman ugu mahadcelinayaa Muslimiinta Maraykanka oo kamid ah Bulshada halkaan ku nool, xaqiiqdii door firfircoon ayay ka qaateen doorashadii 2024, waxa aan wadnaa dedaallada lagu xoojinayo sidii ay u heli lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yahay ee dhanka naga soo xiga” Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Sababta Muslimiinta Maraykanka ay u taageereen Donald Trump una niyad-jabisay Joe Biden oo awoodi waayay xitaa in uu kalsooni ka helo naftiisa waa dagaalka Bariga Dhexe oo Maamulkii hore ku qaraqmay sidii badda.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

2 mins ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

3 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

3 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago