GUDAHA/wararka

Putin oo ku hanjabay in uu la dagaalami doonno Ciidamada nabad ilaalinta ee Xadka Ukraine la qorsheynayo in la geeyo

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu uga hadlay colaadda kala dhaxeysa Ukraine, dedaallada lagu raadinayo nabadda, Ciidanka Midowga Yurub qorsheynayo in xadka la geeyo iyo qorshaha Moscow.

Vladimir Putin ayaa ku hanjabay in uu la dagaalami doonno ciidan weliba oo dhinaca Ukraine soo mara ama damca in ay tagaan deegaannada dagaallada ka socdaan isla markaana ay ula mid yihiin ciidamada cadawga u ah ee dagaalka kala soo horjeeda.

“War Kale ma Harin oo aan ka ahayn in aan Ukraine ka takhalusno, Ciidamada la qorsheynayo in xadka la geeyo kama duwana kuwa cadawgeenna ah oo si isku mid ah Ayaan u beegsan doonnaa” Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Madaxweyne Putin ayaa difaacay qorshaha dagaalka ku waqti dheeraaday mar haddii awoodda intaas la eg ay leedahay Dowladdiisa waxa ay muddo kooban usoo afjari weysay Dalka Yar ee Ukraine ee xitaa weerarro kala duwan ka fuliyay Moscow iyo meelo kale.

“Si qunyar socod ah Ayaan u howlgalnaa oo uma dhaqsano sida dadka qaar rabaan, si kalsooni ku dheehan tahay Ayaan u gaarnaa dhammaan yoolkeenna” ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxweynaha Dalka Ruushka Putin.

Hadalka adag ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka yimid waxa uu dareen cusub geliyay dedaalladii wadahadalka, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Moscow ay ka shakisay dabin uu Maraykanka u dhigayo oo ah in dalkaas uu saxiixo heshiis xabbad-joojin.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

35 mins ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

2 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

4 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

5 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

16 hours ago