GUDAHA/wararka

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa Turkiga?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Turkiga ayaa dhiggiisa Madaxwayne Rajab Dayib Erdogan la yeeshay kulamo looga hadlay iskaashiga labada dal.

Madaxwaynaha ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta dagaalka AS.

“Wada hadalkooda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga, difaaca, iyo dadaallada la dagaalanka argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dardar galinta dagaalka ka dhan ah AS ee ka socda dalka, isaga oo tagey deegaanno badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Soomaaliya iyo Turkiga leh xiriir taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

2 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

3 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

5 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

6 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

6 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

17 hours ago