GUDAHA/wararka

Trump oo Iiraan ugu goodiyay in uu burburin doonno haddii dagaalka dib u xooggaysto

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in ay burburin doonnaan Dowladda Iiraan haddii ay sii waddo tallaabooyinka uu ku sheegay in ay ku jebinayso heshiiska xabbad-joojinta ah ee horay ay u wada galeen labada Dal.

Donald Trump oo meel iska dhigaya in ay dhankooda billaabeen bartilmaameedsiga ayaa sheegay in ay saacadihii lasoo dhaafay ay duqeeyeen Bakhaaro lagu kaydiyo hubka gaar ahaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duulliyaha lahayn.

Sooma bandhigin caddaymo xoojinaya sheegashadiisa balse waxa uu tilmaamay in arrintaas ay digniin u tahay Iiraan oo haddii ay ka joogsan wayso waxyaabaha ay samayneyso si toos ah loogu dhaqangelin doonno go’aanka cusub ee ka dhanka ah sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii xadgudubyada xabbad joojinta ay sii socdaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ma sii jiri doonto, waxa aan ku qasbi doonnaa inay wadahadalka aqbasho iyada oo jicilsan oo aan shuruud wadan” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Iiraan ayaa dhankeeda waxa ay qaadday tallaabooyin ay uga jawaabayso duqaymaha Maraykanka uu ka gaystay Dalkeeda iyada oo beegsatay Saldhigyo Ciidan oo Washington ay ku leedahay Dalaka Bahrain & Kuwait.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

17 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

18 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

19 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago