GUDAHA/wararka

Trump oo billaabay in uu gacmihiisa mariyo dawooyin si uu u qariyo dhaawacyo ka dhashay xannuun ku dhacay!

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo saamayn jireed uu ku sheegay gacmihiisa xannuun ku dhacay ayaa billaabay in uu adeegsado dawooyin iyo waxyaabaha la isku qurxiyo si aanay jirkiisa looga dareemin dhaawaca ka muuqda.

Xannuunka ku dhacay Madaxweynaha Maraykanka waxa uu ku sababay in xididada gacmihiisu bararaan maadaama aanay awoodin in dhiigga dib ugu celiyaan Wadnihiisa, xaaladdaan ayaa sababtay in uu si joogta ah ugu dhawaado dhaqaatiirtiisa sida wararku sheegayaan.

Wargayska The Telegraph oo soo xigtay dhaqtarta Madaxweyne Donald Trump ee lagu magacaabo Sean Barbabella ayaa isbaddelka gacanta Madaxweynaha Maraykanka ka muuqda uu yimid kaddib markii uu kordhiyay isticmaalka Kaniiniga loo garanayo Asprin.

Si gacanta Madaxweyne Trump aan looga arkin madowga ama isbaddelka ku dhacay waxaa si joogta ah loo marinayaa budada la isku qurxiyo ee Make up loo yaqaan, tani waxa ay meesha ka saari kartaa in si fudud loo kala garto gacanta xannuunsan iyo tan caafimaadka qabta.

Dhowaan Waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay in uu geeriyooday Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyada oo arrintaas sabab looga dhigay in maalmo la waayay muuqiisa iyo maqalkiisa inkasta oo markii dambe hadalkaas la beeniyay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

16 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

21 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

23 hours ago