GUDAHA/wararka

Ilhaan Cumar oo la sheegay in ay haysato $30 Milyan xilli ay ku doodday in aanay Milyaneer ahayn!

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa lasoo bandhigay dhaqaalaha ay heysato iyada oo la sheegay in hantideeda korortay sanadihii u dambeeyay, waxaa lagu sheegay in ay gaarayso $30 Milyan oo doollar sida lagu sheegay daraasaddaan.

Ilhaan oo katirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa mar wax laga weydiiyay lacagtaan waxa ay sheegtay in aanay ahayn Milyaneer, waxa uu hadalkaas dhaliyay dood iyo falanqayn qabsatay Warbaahinta gudaha Maraykanka iyo tan dibadda.

Hantida Ilhaan iyo Seygeeda Tim Mynett waxa ay u dhaxeysaa $6 Milyan oo doollar ilaa $30 Milyan oo doollar, lamaanahaan ayaa dhaqaale ka sameeyay ganacsiga u gaarka ah iyada oo warshado u shaqeeya sida dabagalka lagu ogaaday.

Sanadihii 2023 iyo 2024 waxaa kordhay dakhliga Xildhibaan Ilhaan Cumar, waxa ay sheegashadaas ama warbixinnadaas ku tilmaamtay in ay yihiin kuwo been abuur ah oo la dhoodhoobay tan iyo doorashadeeda.

“Tan iyo markii la idoortay waxaa jiray warar been abuur ah oo la iga faafinayay, sida in aan dhaqaale badan haysto waana been abuur, anigu ma ihi milyaneer” Sidaasi waxaa tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo la hadashay Business Insider horraantii Sanadkaan.

Ilhaan waxa ay siyaasad ahaan is hayaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxaa liiska dagaalkaan afka ah kusoo biiray xubno intooda badan la safan Hoggaamiyaha Dalkaas kuwaas oo adeegsaday ereyo xanaf leh iyo baaritaanno shakhsi.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

38 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

52 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

2 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago