Last News

Tehran:-Kumanaan ruux oo ka qayb galay boroor diiqda Jen. Qaasim Suleymaani.

Jeneraal Qaasim Suleymaani oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa dowladda Mareykanka ku dishay duqeyn dhanka cirka ah oo dhacday dalka Ciraad.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Tehran, si ay baroor-diiq ugu sameeyaan Jen. Qaasim Suleymaan oo Meydkiisa laga geeyay dalka Iiraan, maalmo kaddib markii duqeyn uu fuliyay Mareykanka lagu dilay.

Shacab iskugu soo baxay wadooyinka Caasimada Iran ee Tahran.

Meydka Jen. Suleymaan ayaa la geliyay naxash lagu xardhay calanka Iiraan, waxaana kumanaanka qof ee isugu soo baxay aaskiisa ku dhawaaqayeen halku dhigyo ka dhan ah Mareykanka iyo Trump.

Wakaalada wararka ee Iiraan ee loo soo gaabiyo Irib ayaa daabacday sawiro naxashka Soleimani oo lagu duubay calanka Iiraan.

Jeneraal Qaasim Suleymaani oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds.

Caasimadda Tehran, xildhibaanada baarlamaanka Iiraan ayaa ku luuqaynayay “Mareykanku ha dhinto”.

Soleimani ayaa ahaa sargaalka Iiraan u qaabilsan bariga dhexe islamarkana waxaa la rumaysan yahay in uu ahaa ninka labaad ee ugu awoodda badan Iiraan.

Dilkiisa ayaa waxaa uu sare u sii qaaday xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka, oo hanjabaado isku marinaya Warbaahinta.

Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa ka digay “Aargoos adag “.

Madaxwayne Trump, ayaa bixiyay amarka weerarka lagu dilay Soleimani, oo uu ku tilmaamay Argagixo duulaan ku ahaa amaanka Maraykanke ee Bariga dhexe.

Mustaqbal Radio.

Ilaha: Wakaalada wararka Iran ee Irib & BBC.

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

11 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

16 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

19 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

21 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

22 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

22 hours ago