Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Uganda ee jooga Somaliya.

Dowladda Uganda ayaa isbeddel dhinaca hoggaanka ah  ku sameysay Ciiidamada ka jooga Soomaaliya ee ku jira Howlgalka AMISOM.

Brig Michael Kabango, oo ahaa Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidanka Difaaca waqooyi ee Uganda ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya.

Brig Kabango waxaa uu xilka kala wareegi doonaa Jeneraal  Paul Lokech isaga lafteesa kala wareegay  Muhanga Kayanja Sanad ka hor.

Brig Kabango , waxaa uu horay u ahaa Ergeyda Ciidanka Uganda ee Soomaaliya isaga oo sidoo kalena ahaa Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidamada Difaaca  waqooyi ee Uganda.

Dowladda Uganda ayaa u mahad celisay taliyihii hore ee Ciidanka Uganda ee SOomaaliya Jeneraal Lokech, oo ay ku tilmaantay in uu ahaa nin shaqo fiican qabtay Afrikaannimadana ay ku weyntahay.

Taliyaha cusub ayaa Talaadadii shalay ahayd ka soo dhoofay Kampala,waxaana uu soo gaaray Magaalada Muqdisho halkaas oo uu xilka kula wareegi doono dhawaan.

Uganda waxaa ay wali tahay dalka ay Ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya,waxaana ay ku leedahay lix kun oo Askari.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

11 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago