GUDAHA/wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga & Guddoomiyaha SODMA oo kawada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deegaannada laga qabsaday AS 

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo xarunta Hay’addaan kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage waxa ay kawada hadleen sidii gargaar bani aadamnimo loo gaarsiin lahaa deegaannada ‘AS’ laga qabsaday.

Maxamuud Macallin ayaa sheegay in Hay’adda SODMA ay ka go’an tahay sidii gurmad bani aadamnimo loo gaarsiin lahaa Dadka degen deegaannadii ugu dambeeyay ee Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay ka qabsadeen ‘AS’ balse taliska Ciidanka Xoogga ay ka rabaan gacansii.

Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhankiisa ballanqaaday in uu Hay’adda SODMA ka gacansiinayo sidii gargaarka ay hayso loo gaarsiin lahaa deegaannada ay ku sugan yihiin ciidamada Militariga ee xaaladaha dhanka bani aadamnimada ah looga baahan yahay.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ayaa lagu wadaa in ay kormeeraan deegaanno kala duwan oo katirsan Gobollada Dalka si marka ay usoo sahmiyaan kaddib loo diyaariyo gargaarka loo qorsheeyay, taliska ciidanka Xoogga ayaa ku gacansiinaya ciidamo ilaaliya gargaarkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

6 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

10 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

11 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

12 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

12 hours ago