Taariikhda: 4ta musharax ee maanta u tartameysa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland, waxaa maanta oo Jimco ah ka dhacaya doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyadoo saacadihii danbe  ay socdeen ololihii u danbeeyay.

4; musharax, ayaa u taagan kursigan, Kuwaasoo mid kasta oo kamid ah uu doonayo inuu ku guuleysto xilka.

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo­daarood], Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, ayaa ah 4ta musharax ee tartameysa.

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo­daarood], ayaa markii 3-aad isu soo taagay xilkan,  Sanadihii (2014,2015 iyo 2019).

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,waxa uu hore u soo noqday  agaasimaha warfaafinta, hiddaha iyo dhaqanka madaxtooyada, kadib markii uu qaadey hees la yiraahdo “Taageer Cabdiweli” intii lagu guda jiray ololahii doorashada ee Gaas 6 sano kahor.

Cabdiraxmaan Cali Jibriil, Inta aanu ku soo biirin Siyaasada waxa uu ahaa Gnaacsade, Isagoo kamid ah 17-ka Xildhibaan ee kurisgooda difaacday, kuwaasoo kamid ahaa Baarlamaankii hore.

Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, 2015-kii, Gaas ayaa u magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, wuxuuse xilkaa waayay kadib markii Baarlamaanka riday golihii Wasiirada Bishii AUgos Sanadii 2017, Sidoo kale isla sanadaas 2017, waxaa loo magacaabay La Taliyaha Arrimaha Amniga ee Madaxweyne Gaas.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

15 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

19 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

20 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

20 hours ago