Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Magaalada New York xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay dhiggiisa Serbia Marko Đurić oo ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira diblumaasiyadda.
Qoraal lagu daabacay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskaan uu xoogga saarayo sidii Serbia ay dhiggeeda uga caawin lahayd Akadeemiyada Diblumaasiyadda & Machadka Daraasaadka.
Heshiiskaan waxa uu qeexayaa in Serbia ay Soomaaliya ka gacansiinayso tababarka diblumaasiyadda iyo kartida dhisidda aqooneed oo muhiimad gaar ah u leh howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Dibadda sida hadalka loo dhigay.
Dowladaha Soomaaliya & Serbia waxa ay horay u kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan sida Caafimaadka, Militariga, Amniga & kuwo kale, Xukuumadda Muqdisho ayaa dhiggeeda Belgrade uga faa’iidaysanaysa waaya-aragnimadeeda.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…