Wasaaradda Waxbarashada Dalka Senegal ayaa ku biirtay Liiska Dalal badan oo horay goobaha wax lagu barto uga mamnuucday in Ardaydu u qaataan Teleefannada gacanta kaddib markii ay caqabad ku noqdeen waxbarashadooda.
Warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Senegal ayaa lagu sheegay in guud ahaan Dalkaas laga mamnuucay Teleefannada gacanta in ay Ardayda u qaataan laga billaabo sanad Dugsiyeedka soo socda sida hadalka ay u dhigtay.
“Laga billaabo Sanad waxbarashadeedka soo socda waxaa si guud loo mamnuucay in goobaha Waxbarashada Ardaydu u qaataan Teleefannada oo caqabad ku ah daraasadda ay qaadanayaan sidoo kalena saamayn taban ku ah caafimaadka Ardayga.” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Senegal.
Dalal dhowr ah ayaa Goobaha Waxbarashada ka mamnuucay in Ardaydu u qaataan Teleefannada gacanta oo inta badan mashquul ku ah fahamka Ardayda ee xiliga lagu jiro daraasadda ay bixinayaan Macallimiinta.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…