GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo sheegtay in Ilhaan Cumar ay difaacayso haddii isirkeeda lagu beegsado

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha Mareykan Donal trump kaas uu ku dhaleeceeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo hor jeeda qaab siyaasadeedka madaxweynaha dalkaas.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay difaacayso Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, iyada oo dowladdu sheegtay, “Gabadheena haddii isirkeeda lagu beegsanayo garabkeeda ayaan taagannahay, magaceeda iyo magaca halka ay ka soo jeeddo asal ahaan meel weyn ayay gaarsiisay.”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya hadda ah Wasiirka Difaaca Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri, “Wixii siyaasadda dalka ay xildhibaanka ka tahay ah waa arrin aan inoo oolin.”

Sidoo kale Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sii sheegay in Xildhibaan Ilhaan Cumar ay tahay, “tusaale lagu dayan karo, waa gabar kartideeda ku meelmartay, ayada iyo afkaarta ay xambaarsan tahay waxay yeelan karaan kuwa dhibsada, sida kuwa kaleba afkaar kale oo qalafsan u yeelan karaan, laakin taas marna dalka ay ku dhalatay kuma eedaysna, loomana eedayn kar.”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa September 19, 2025-ka oo warbaahinta la hadlay ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal uu ragaadiyay, “argagixiso, budhcad-badeed, dagaal-sokeeye, musuqmaasuq, Soomaalidu 70% waxay ku nool yihiin macluul; Ilhaan-na waxay noo sheegeysaa sidaan dalkeena u maamuli lahayn.”

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka warcelisay weerarrada siyaasadaysan ee uga imaanaya Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump iyo xubnaha taageersan ayaa sheegtay in ay ku faanayso in ay tahay Muslimad, ka dhalatay Soomaaliya noqotayna Ameerikaan, iyada oo Madaxweyne Trump & Xulufadiisa ku eedeysay in ay dhinac iska dhigayaan shuruucda dalkaas.

“Waan ku faanaa in aan Muslim ahay, waan ku faanaa in aan ka dhashay Soomaaliya, waana ku faanaa in aan ahay Ameerikaan, cidna wax igama baddeli karto,” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo jawaab siinaysay Madaxweyne Trump.

Dagaalka Siyaasadeed ee Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sii xooggaysanaya marba marka dambeysa iyada oo ay kusoo biirayaan xubno cusub oo la safan hoggaamiyaan sida aan wanaagsanayn dadka ula hadla.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

20 hours ago