Kulanka u dhaxeeya Madaxda Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa berri ka furmaya Magaalada New York ee Dalka Maraykanka, Meertadaan oo ah tii 80aad waxaa looga hadlayaa qodobo isku sidkan oo doodo la xiriira qodobadaas ay isaga hor imaan doonnaan mas’uuliin kala duwan.
Shirkaan ayaa xooggiisa soconaya 22ka ilaa 27ka September iyada oo lasoo xiri doonno 29ka Bishaan, maalin weliba waxaa laga miiska lasoo saari doonnaa qodobo horay loo diyaariyay oo dood adag ay ka yeelanayaan madaxda Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee madasha ku sugan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay Magaalada New York si uu uga qaybgalo shirkaan Qaramada Midoobay, waxa uu jeedin doonnaa khudbad uu uga hadlayo Dalka.
Madaxda Dalalka ku midoobay Golahaan ayaa diiradda saaraya Isbaddelka ka dhashay Cimillada ee dunida saamaynta taban ku reebay sidii looga hortagi lahaa, waxa ay ka doodi doonaan dhabbaha lagu gaarayo xalka waara si loo xakameeyo dhibaatooyinka ka dhalan kara.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo doceedyo la qaadanaya Madaxda ka qaybgalaysa shirka Qaramada Midoobay maadaama fursado waqti kooban ah ay isku arki doonnaan iyaga oo kawada hadlaya xiriirka iyo danaha labada dhinac.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…