Dowladda Carbeed ee Qadar ayaa Israa’iil hordhigtay shuruud ku adag oo haddii ay fuliso dib loo billaabi karo wadahadalkii ka socday Dooxa ee lagu raadinayay xabbad-joojinta Gaza iyo Maxaabiis is dhaafsiga Xamaas & Yuhuudda.
Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in ugu horrayn Israa’iil ay ka doonayso raalligelin buuxda oo ay ka siiso duqayntii dhowaan ay ka fulisay Magaalada Dooxa, haddii ay fuliso qodobkaas dib loo billaabi karo wadahadalkii ka socday dalkeeda.
Sida ay ku warrantay Axios Media, Qadar waxaa ka go’an in ay afka Israa’iil kala dhex baxdo qirasho iyo qoomamayn ay ka muujinayso duqayntii ay ku beegsatay madaxda katirsan Xamaas ee Dooxa Joogay balse ka badbaaday shirqoolkaas.
Maraykanka ayaa isku dayaya in uu Dooxa ku qanciyo sidii ay dib ugu billaabi lahayd wadahadalka laakiin waxaa jirta xaalad ka dhalatay qorshihii fashilmay ee Israa’iil ay ku beegsatay wakiilladii ka socday Xamaas.
Dareenka Cabsida ah ee ka dhalatay beegsiga wakiillada Xamaas ee wadahadalka waa mid taagan maadaama aanay jirin damaanadqaad dhinaca Israa’iil ka yimid oo muujinaya in aanay beegsan doonin markale, tani waa caqabad kale oo u baahan in xal loo raadiyo.
Israa’iil ayaa la sheegay in ay ku adag tahay ka garaabista weerarkii ay ka fulisay Magaalada Dooxa sabab la xiriirta in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu u arko tallaabo saxan in uu ahaa weerarkaas, haddii uu raalligelin ka bixiyana uu culays kale korayo.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…