Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kaga qeybgalay caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya , kaas oo ah shirka wasiirrada ee loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Carabta iyo Islaamka.
Shirka ayaa waxaa halkaas lagu falanqeeyay arrimaha ka taagan Bariga dhexe, gaar ahaan weerarka joogtada ah ee Israel ku hayso dhulka Falastiin iyo Lubnaan, iyo sidoo kale xaaladaha ugu dambeeyay ee gobolka iyo isku-dubaridka mowqifyada wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ah.
Sidoo kale, Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Xuseen Ibraahim Taha; Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit; iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Islaamka.
Dhanka kale, shirka waxaa ka qaybgalay Danjire Cali Cabdi Aware, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta; Danjire Cabdulqaadir Macallin Nuur, Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka; iyo Danjire Oweys Xaaji Yuusuf, Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Shirkaan oo ka dhacay dalka Boqortooyada Sucuudiya, ayaa ahaa shirka wasiirrada ee loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Carabta iyo Islaamka.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…