GUDAHA/wararka

Maamulka SSC-Khaatumo “Waxaa lagama maarmaan ah in wax ka baddalka dastuurka loo dhan yahay, lana raadiyo dowladaha Puntland iyo Jubbaland”.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo  Jaamac Yaasiin Warsame oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka laad Muxyadiin Maxamed Jaamac iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad  Jaamac Aadan Cismaan, ayaa shir guddoomiyay Fadhigii 18aad ee Kalfadhiga 2aad ee Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo.

Kulanka golaha ayaa Ajendahiisu ahaa Ka doodidda Xaaladaha Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo, iyaga oo go’aamo ka soo saaray arinta wax ka badelka dastuurka JFS, kaas oo guddiga gacanta ku haysaa ay soo gaadheen magaalada Laascaanood, kana wadaan latashiyo ay lasamaynayaan Maamulka iyo Bulshada SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, Golaha ayaa dood dheer iyo falaqeyn kaddib ka soo saaray go’aamo dhowr ah oo ay kamid yihiin:- Goluhu waxa uu bogaadinayaa dadaalada ay xukuumadda JFS ku bixinayso dhamaystirka Dastuurka dalka iyo in bulshada reer SSC laga qayb galiyay ka tala bixinta arimahadhamaystirka dastuurka.

Dhanka kale, Goluhu waxa uu lagama maarmaan u arkay in wax kabadelka dastuurka JFS uu noqdo mid loodhanyahay oo ay ku midaysan yihiin Dawladda Federaalka ah iyo dhammaan Dawladaha xubnaha ka ah.

Golaha ayaa u arkay in ay lagama maarmaan tahay in la raadiyo Dawladaha Puntland,  Jubbaland iyo dhammaan cid kasta oo xaq u leh in wax laga waydiiyo, si loo xaqiijiyo tala wadaag iyo isla oggol siyaasadeed, kaas oo Bulshada soomaaliyeed u horseeda midnimo, horumar iyo xasilooni siyaasadeed.

Maamulka SSC ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxda DFS iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya, in ay lagama maarmaan tahay in Maamulka SSC- Khaatumo iyo dadkiisu ay helaan xuquuqdooda ay ku leeyhiin Soomaaliya sida arimaha gargaarka, horumarinta iyo matalaadda siyaasadeed.

Goluhu ayaa waxa uu ugu baaqayaa madaxda DFS iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah, in ay u midoobaan ka shaqaynta danaha bulshada Soomaaliyeed kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara is khilaaf iyo kala fogaan ama ku dhisan dana gaar ah, wixii kala aragti duwanaan ahna lagu dhameeyo wadahal iyo wada xaajood.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

2 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

4 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

7 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

7 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

9 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

9 hours ago