GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlay Cimillada oo ka dhacay Brazil

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga ah ee cimillada (COP30) ee lagu qabtay Magaalada Belem ee Dalka Brazil Koofurta Ameerika.

Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay shirkaas ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay Dalalka xoogga saaraya wax ka qabashada aafooyinka ka dhasha isbaddelka Cimillada una baahan tahay in laga caawiyo waxyaabaha ay u baahan tahay.

Wadajir ayuu ku baaqay in loogu istaago wax ka qabashada dhibaatooyinka laga dhaxlay Cimillada si gaar ah dalalka aanay awoodin maaraynta aafooyinkaas oo saamayn taban ku reebay sida uu hadalka u dhigay.

Waxyaabaha ka dhasha Isbaddelka Cimillada waxaa kamid ah Abaaraha, fatahaadaha iyo kuwo kale oo intooda badan saamaynta ugu weyn ku reebo dadka ku sugan Miyiga oo isugu jira Xoolo dhaqato iyo beeralay sida warbixinnada lasoo saaray lagu sheegay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

1 hour ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

1 hour ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

2 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

2 hours ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

3 hours ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

4 hours ago