Danjiraha Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Hodan Cismaan Cabdi ayaa maanta warqadaha aqoonsi danjirenimo ku wareejisay Agaasimaha guud ee habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Japan Miyashita Tadayuki.
Hodan oo aan deegaan ku ahayn Japan ayaa ka shaqayn doonta labada Safaarad ee Soomaaliya iyo Japan, waxa ay kulan la qaadatay Agaasimaha Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay iyada oo la wadaagtay howlaha shaqo ee dalkaas ka qaban doonto.
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha iyo Japan Hodan Cismaan ayaa tilmaamtay in ay diiradda saareyso xoojinta cilaaqaadka ka dhaxeeya Xukuumadaha Muqidsho & Tokyo, waxa ay dhankeeda rajo wanaagsan ka muujisay in uu xooggeysto xiriirka labada Dal.
Japan waxa ay safka hore uga jirtaa dalalkii Soomaaliya ku taageeray madaxbannaanidii ay ka qaadatay Gumeystihii Talyaaniga oo Koofurta haystay iyo Ingiriiska oo Waqooyiga isticmaarsaday, waxa ay Tokyo fulisay mashaariic badan oo ay ku taageertay Soomaaliya.
Danjirihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ka socda ee wakiil buuxda uga noqda Dalka Japan waxa uu ahaa Xasan Abshir Faarax sanadkii 1987dii, tan iyo xiligaas ma jirin Safiir Soomaaliya u jooga ama ku metala Dalkaas.
Mustaqbal
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…