GUDAHA/wararka

Guddoomiye Shuute oo ka hadlay waayihiisa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, Gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa bixiyay wareysi uu diirada ku saarayo waayihiisa iyo culeysyada uu la kulmay intii uu ku jiray howlaha caddaaladda Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay Wargeyska The Observer ayuu Gaashaanle Shuute kaga sheekeeyay nidaamka caddaaladda Soomaaliya iyo sababaha keenay in Muuqaal ahaan loo baahiyo dacwadaha ka socda Maxkamadaha.

Waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed, iyo guud ahaanba bulshada caalamka, aan tusno sida caddaaladdu u shaqeyso. Waxaan dooneynaa inay si cad u arkaan caddeymaha la horkeenay, ay dhageystaan doodaha labada dhinac, isla markaana ay marqaati ka noqdaan go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamaddu gaarto” ayuu yiri Guddoomiye Shuute,

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dhacdo mahadho ku reebtay oo la xiriirta dilka aabihii Cali Nuur oo dabley hubeysan 2 bishii Janaayo ee sannadkii 2018 ku dileen xaafadda Suuq Boocle ee Degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir.

Gaashaanle Sare, Xasan Cali wuxuu tilmaamay in aabihii ka walwalsanaa shaqada uu hayo, isagoo dhowr jeer kula taliyay inuu iska dhaafso, maadama xaaladda dalka ay adkeyd.

Aabbahay ka hor inta aan la dilin wuxuu yimid gurigayga. Aad ayuu ugu welwelsana shaqadeyda, wuxuuna igu waaniyay inaan joojiyo” ayuu yiri Gaashaanle Sare Shuute.

Guddoomiye Shuute ayaa kamid ah Saraakiisha caanka ah ee Garsoorka dalka, wuxuu ka soo shaqeeyay dacwooyin adag oo la xiriiray dambiyada ay galaan xubnaha AS iyo falalka rabshadaha ah ee ay ku lug lahaayeen ciidanka.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

28 mins ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

3 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

3 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

5 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

5 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

19 hours ago