GUDAHA/wararka

Soomaaliya maxay la tagaysaa Shirka Isbedelka Cimillada Aduunka ee maanta ka furmay dalka Azerbaijan?

Magaalada Baku, ee dalka Azerbaijan waxaa maanta ka furmay shirkii 29-aad ee isbadalka Cimillada Adduunka ee Qaramada Midoobay, kaas oo sanad walba bishaan oo kale la qabta, iyada oo looga hadla arrimaha la xiriira Isbadalka Cimillada ee adduunka ka jira.

Shirka oo socon doona illaa 22 bishaan, waxaa sanadkaan ka qeyb galaysa marti kor u dhaafaysa 50 kun oo qof kuwaas oo ka kala socda waddamada caalamka, iyo 200 oo madaxda Caalamka, kuwaas oo khudbado kala jaad ah oo diiradda saaraya Isbadalka cimillada ka jeedin doona muddada uu socda shirka.

Hal ku dhigga shirka sanadkaan ayaa ah Shirkii  Maaliyadda (COP of Finance), waxaa diiradda lagu saaraya maaliyadda cimilada iyo hirgelinta qodobka 6-aad ee heshiiskii Paris, waxaan hoggaamin doona  Mukhtar Babayev oo ah Wasiirka Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Azerbaijan.

Shirkaan ayaa Soomaaliya waxa uga qeyb gali doona Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada. Dowladda Soomaaliya ayaa shirka la tagi doonta qorsha wax looga qabanaya saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalka, iyada oo lagu soo bandhigayo fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

2 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

3 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

4 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

4 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

18 hours ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

19 hours ago