GUDAHA/wararka

Soomaaliya kamid noqotay Dalalka ka qaybgalaya shirka looga hadlayo caqabadaha biyaha & xal u helidda Khilaafaadka ka dhasha.

Dalka Indonesia waxaa ka furmay shirka 10aad ee looga hadlayo arrimaha Biyaha waxaana miiska saaran dhowr qodob oo kala ah: ka gudubka caqabadaha biyaha, xal u helidda Khilaafaadka ka dhasha & hirgelinta go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii  Biyaha Dunida (UN water conference New York 2023).

Soomaaliya waxaa shirkaan ku metalaya Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraatka Biyaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxa uu madasha la tagay qodobo la xiriira xal u helista dhibaatooyinka lagu qabo Biyaha iyo sida loo hormarin karo iyada oo la iskaashanaya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta & Khayraatka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah wakiillada kala duwan ee metalaya Dowladaha xubnaha ka ah madashaan ee soo bandhigaya caqabadaha guud ee dhankaas ka jira.

Dalal badan oo biyo wadaag ah waxaa ka dhaxeeya khilaaf xooggan oo salkiisu yahay habka loo isticmaalayo, si xal looga gaaro mad-madowgaas siyaasadeed ayay Qaramada Midoobay u qabatay shirweyne Caalami ah si looga baaqsado dagaal ka dhalan kara nidaamka wadaagga Biyaha ee Dalalkaas is khilaafsan.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Doorashada Maamulka Hirshabeelle oo dib loo dhigay

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa lagu shaaciyay in…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay toddob safiir

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…

16 hours ago

Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo dagaalka AS

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…

17 hours ago

DFS oo Ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…

20 hours ago

NISA oo sheegtay in duqayn ka dhacday HirShabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…

21 hours ago

15 sano kaddib, Turkiga muxuu kusoo kordhiyay Soomaaliya?

Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…

21 hours ago