War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay Doorashashooyinka ka qorsheeyay in ay 20 bishaan ka qabsoomaan Maamulka Hirshabeelle.
Guddiga ayaa dib u dhaca doorashada ku sababeeyay si loo dhammaystiro qaar ka mid ah howlaha doorashada ee weli socda.
Bayaanka Guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay weli ka socoto afar degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, taas oo ka mid ah sababaha uu guddigu u sheegay dib-u-dhigista doorashada.
Sidoo kale, guddigu wuxuu xusay in loo baahan yahay in ururrada siyaasadda loo siiyo fursad ay taageerayaashooda ugu abaabulaan doorashada, isla markaana loo fududeeyo soo gudbinta liisaska musharraxiinta u tartamaya kuraasta doorashada.
Labada toddobaad ee soo socota gudahood ayaa la filayaa in Guddiga Doorashooyinka ay soo saaraan Liiska Doorashada Maamulka HiHirshabeelle.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…
Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…
Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…