GUDAHA/wararka

Somaliland oo sheegtay in DFS ka heshay deeq lacageed oo dhan $700,000.

Guddiga Abaaraha Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay soo gaartay gargaar lacageed dhan $700,000 oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada maamulkaasi.

Cabdiraxmaan Ducaad, Xoghayaha Guddiga Abaaraha, ayaa sheegay in lacagtaan ay ku soo wareejisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), isla markaasna ay ku soo dhacday Akoonka Guddiga.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in lacagtaasi ay tahay mid muujineysa in walaaltinimo iyo is-caawimaad ka dhexeyso guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, xilli gobollo badan oo Somaliland ah ay wajahaan xaalado adag oo abaarro ah.

“$700,000 ayaa na soo gaartay, waan uga mahadcelineynaa. Markasta dhibaatada ka jirta deegaannada Soomaalida waa ka dhaxeysay in la is walaashado,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaad.

Lacagtaasi ayaa lagu wadaa in loogu gurmado qoysaska abaartu saameysay, kuwaas oo biyo la’aan, raashiin yari iyo xaalado caafimaad oo adag wajahaya.

Gobollo badan oo Somaliland ah sida Awdal oo xoolo badan ay le’deen, iyadoo ay khatar ku jirto nolosha dadka.

Guddiga Abaaraha Somaliland ayaa sheegay in lacagtaasi aysan xal u noqon karin baahida dhabta ah ee taagan, balse ay tahay tallaabo lagu badbaadin karo kumannaan qoys oo xaalad adag ku jira.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago