Wasiirka arrimaha dibadda Maamulka Somaliland ayaa dhaliil u jeediyay wakiilkii hore ee qaramada Midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating.
Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Keating uu ahaa shaqsi ka soo horjeeday gooni isutaagga Somaliland.
Waxaa kale oo uu sheegay in Keating uu saddex Sano joogay Soomaaliya ,tira kooban oo kaliyana tagay degaannad Somaliland inta kalena waqtigiisa ku qaatay Muqdisho.
Mr Sacad Cali Shire ayaa sheegay Somaliland ay ka shaqeyneyso sidii Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey ay uga dhaadhcin lahayd qadiyadda gooni isutaagga Somaliland.
Wasiir Sacad ayaa dhinaca kale dhaliil u jeediyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana uu sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso xaasidnimeynta Somaliland.
Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu waqtigiisii oo dhan safar ku bixiyay maaddaama sida uu yiri uu isaga Ictiraaf heysto.
Waxaa uu sheegay in laga soo billaabo 2012kii ilaa maanta Dowladaha ka dhalanayay Soomaaliya ay ka shaqeynayeen in Somaliland aysan aqoonsi caalami ah helin.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…
Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…
Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…