GUDAHA/wararka

Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo dhaweeyay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sheegay in uu gogol u fidiyay xubnaha Mucaaradka si ay uga arrinsadaan dhismaha Dowladnimada Casriga ah & dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ & Daacish.

Xubnaha soo dhaweeyay waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka Bulshada ayuu kusoo dhaweeyay isaga oo bogaadiyay in la dadejiyo gogoshaas.

“Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna.” Ayuu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in la xoojiyo tallaabadaan oo ah mid dan guud ah oo qof weliba mas’uuliyad ka saaran tahay haddii looga faa’iideysto si daacadnimo ku dheehan tahay.

“Waxaan soo dhaweynayaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud ku baaqay xalay, waa tallaabo hore loogu qaadayo in danta, dalka iyo diintaba ay masuuliyad naga wada saaran tahay kulligeen. Waxaan rajeynayaa in ay gogoshan  ka soo baxdo natiijo dalka iyo dadka faa’iido u leh.” Ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan ugu baaqayaa Madaxda dowladda iyo saamileyda kale ee siyaasadda in fursaddaan looga faa’iideysto si daacadnimo leh, mar kastana Danta Guud laga hormariyo Danta Gaarka ah taas oo hore u marinaysa dhammeystirka geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ee xilligan adag”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Sheekh Axmed & Xasan Cali Khayre oo isku dhinac ah ayaa si wadajir u marxabeeyay baaqa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo gogosha uu dhigay si looga tashtano danaha masiirigi ah.

“Waxaan soo dhaweyneynaa gogosha wadatashi ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waxaana u aragnaa in ay tahay tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.” sidaasi waxaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah ee saddexdaas mas’uul soosaareen.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ahna lataliyihii Madaxweyne Hore Farmaajo ayaa dhankiisa soo dhaweeyay, waxa uu ku baaqay in la garab istaago baaqa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Khudbada Madaxweynaha waan wada dhagaystay. Waa khudbad macquul ah oo dhiirrigalin mudan. Waxaan ku talinayaa in la ajiibo gogosha uu Madaxweynaha fidiyey oo la soo wada dhaweeyo. Madaxweynaha, hadba inta uu ogolaado in lagala shaqeeyo ayaa wanaagsan in lala qabto. Xaaladda uu dalku ku jiro waa mid nagu khasbaysa wadajir iyo midnimo.” Fahad Yaasiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan ku baaqay in gogol la isugu keenno qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Siyaasiyiinta si diiradda ay u saaraan dhismaha Dowladnimada casriga ah & la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ sida uu hadalka u dhigay.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

3 mins ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

11 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

13 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

17 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

18 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

18 hours ago