Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah Caafimaadkiisa kaddib markii dhaqaatiirta dhowrka jeer qalliinka dhinaca wadnaha ah ku sameysay ay si cad ugu sheegeen in aanay u wanaagsanayn colaadda.
Sababta ay sidaas u dhaheen dhaqaatiirta waa in ay u diidan yihiin dhafarka badan (Hurdo la’aanta) iyo fikirka xad-dhaafka ah oo kordhinaya dhaqdhaqaaqa wadnihiisa maadaama aanay u shaqeyneen si dabiici ah oo qalab lagu xiray.
Sida laga soo xigtay qaar kamid ah Warbaahinta ku hadasha afka cibriga, Netanyahu ayaa maray hubin caafimaad waxaana lagu wargeliyay in muddadii ay jirtay xabbad-joojinta uu wanaagsanaa balse hadda uu cadaadis badan koray wadnihiisa.
Dhaqaatiirta oo dhowr jeer qalliin ku sameeyay Netanyahu ayaa dhegaha ugu sheegay in aanay dan ugu jirin in marweliba wadnihiisa la qalo taasina ay suuragal ka dhigeyso in marka dambe uu naftiisa ku waayo isaga oo qalliin ku jira ama la qalay.
Netanyahu ayaa ku madax adeegay in uu sii wadayo dagaallada u badan duqeymaha ee ciidankiisa ka geysanayaan Magaalada Gaza halkaas oo dad badan oo rayid ah ay ku dileen, waxaa loo arkaa in cuqabada kasoo raacday darteed uu la xannuunsanayo.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…