Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu duqeymo culus ku beegsan doonno Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxa uu tilmaamay in weerarkaas uu noqon doonno kii ugu cuslaa ee dalkaas uu wajaho.
Donald Trump ayaa sheegay in Dowladdiisa ay qaadeyso tallaabo hoos loogu dhigayo halista kasoo muuqata dalalka kala duwan ee heysta hubka sida Iiraan sida uu hadalka u dhigay Madaxweynuhu oo la hadlay NBC.
Trump ayaa isla xiligaas sheegay in aanay ka fogaaneyn dhabbaha wadahadalka isaga oo marin habaabin ku sameynaya hadalkiisii hore oo dareen culus geliyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo kol hore madaxiisa lacag dul dhigtay.
“Waxay noqon doontaa duqeyn aan horay loo arag, Kama fogaanneyno wadahadal,laakiin waa inay caddeeyaan inay dhisi karaan kalsoonida.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isaga oo la hadlay Warbaahinta NBC.
Dib usoo laabashada Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa uu dib boorka uga jafay colaadda uu u abuuray Dalkiisa, waxa uu duullaan ku qaaday Yemen, Israa’iil ayuu ku qasbay dib ugu laabashada dagaalka Gaza iyo Iiraan oo haatan uu u bira-tumanayo.
Mustaqbal
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…