Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan.
Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, kahor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada.
Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka.
Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa kamid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka ah ka dhacda dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go’aanna ay uga gaaraan hoggaanka mustaqblka.
Ugu dambayn golaha ayaa war-bixin la xariirta barnaamijka “Is-xilqaan ka dhagaystay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…