Shirka China iyo Afrika oo maanta ka furmaya Beijing.

Shir Madaxeedka u dhaxeeya Madaxweynayaasha Dalalka Afrika iyo China ayaa maanta ka furmaya Magaalada Beijing ee Caasimadda Dalka China.

Shirkan oo looga hadlayo xiriirka dhaqaala,iskaashiga,maalgashi iyo amaanka ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah ka furmo Magaalada Beijing.

in ka badan 40 Hoggaamiye oo ka socda Qaaradda Afrika ayaa ku sugan Beijing,waxaana ay maalmihii la soo dhaafay kulamo horudhac ah la lahaayeen Madaxda dalka China.

Dhinaca Soomaaliya waxaa shirkan uga qeybgelaya Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah Wasiirro waxaana ay la kulmeen dhiggooda Chinaiyaga oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah.

Shirkan oo soconaya labo maalmood waxaa la soo gaba gabeynayaa maalinta Berri ah ee ay Taariikhdu ku beegan tahay 4ta September.

Mustaqbal media

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

7 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

8 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

9 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

12 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

13 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

13 hours ago