Categories: GUDAHA/wararka

Shir looga hadlayo Beeraha dalka oo laga furay Muqdihso.

Shirkaan oo looga la hadlayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Wasaaradda Beeraha ee dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda,  Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Beeraha ee Dowlad Goboleedyada iyo quburo ku xeel dheer dhanka Beeraha.

Shirkan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sameyn lahaa qorshe howleed ku aadan dhanka Beeraha si ay wada shaqeyn buuxdo u dhexmarto Wasaaradda Beeraha ee xukuumadda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dr Xuseen Xaaji Macow oo ah qabiir dhanka beeraha ah isla markaana ah Madaxa Mashruucan ee Midowga Yurub oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa  faah faahin ka bixiyay mashruucan iyo qeybaha uu ka koobnaan doono.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Dr Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in u jeedada mashruucan loo sameeyay ay tahay sidii loo heli lahaa qorshe mideysan oo looga hortago hay’adaha arimaha beeraha ka shaqeeya.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Saciid Xuseen Ciid oo furay shirka ayaa sharaxay ahmiyadda uu shirkan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay inay wada shaqeyn dhaw la yeelato Wasaaradaha Beeraha ee dowlad Goboleedyada.

Shirkan oo daba socda kulan 28-kii bisha April ay isugu yimaadeen Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Beeraha ee Xukuumadda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay ka soo baxaan go’aano wax ku ool ah oo lagu horumarinayo wax soo saarka dhanka beeraha ee dalka.

Mustaqbal media

Recent Posts

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

5 hours ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

5 hours ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

5 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

6 hours ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

7 hours ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

7 hours ago