Categories: GUDAHA/wararka

Shir dib u heshiisiineed oo maanta ka furmaya degaanka Ceel Afweyn

Magaalada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag waxaa maanta ka furmaya shir dib u heshiisiineed oo u dhaxeeya beelo sanadihii la soo dhaafay ku dagaallamayay degaankaas.

Shirkan waxaa ka qeyb gelaya madaxda ugu sarreysa Maamulka Somaliland,waxaa sidoo kale ka mid ah Culimada ugu caansan degaannada Somaliland iyo waxgaradka labada dhinac.

Shirkan waxaa lagu doonayaa in lagu soo afjaro colaad ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacday degaankaas islamarkaana dhowr jeer oo hore heshiis laga gaaray hayeeshee dhaqan geli waayay.

Dhinaca maamulka Somaliland waxaa ka qeyb gelaya Madaxwweyne ku xigeenka Somaliland Saylic iyo mas’uuliyiin kale.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

7 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

12 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

16 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

19 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

20 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

22 hours ago