Categories: GUDAHA/wararka

Wasiir Islow: “Dadka dhaliilaya xirnaanshaha waddooyinka waa Al-shabab”,dhegeysi

Wasiirka amniga gudah Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloww Ducaale ayaa sheegay in dadka dhaliilaya xernaanshaha waddooyinka Magaalada Muqdisho ay yihiin Al-shabaab.

Waxaa uu wasiirku sheegay in Ciidamada amaanka ay xoogga saareen amniga qorshaha amniga caasimadda lagu xasilinayo ayuu ku amaanay Ciidamada loo xilsaaray.

Wasiir Islow Ducaale ayaa sheegay iN Al-shabaab ay la midyihiin shacabka islamarkaana marka waddooyinka la xiro ay shacabka dhaliilo jeediyaan marka la dabciyana ay Al-shabaab qaraxyo geystaan.

Al-shabaab ayaa shalay weeraray Iridda hore ee Madaxtooyada Soomaaliya,waxaa ay sidoo kale Sabtigii hore weerareen Xarumaha Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee Muqdisho.

Wasiirka amniga waxaa uu sheegay in qaraxii Sabtigii hore ka dhacay Xarumah Wasaaradda amniga iyo arrimaha gudaha loo xiray 30 Qof oo ka mid ah Ciidamada amaanka ee Muqdisho,taas oo uu sheegay in ay tahay isbeddel cusub oo ay dowladda ka sameysay sugidda amniga Muqdisho.

Dadka Muqdisho ayaa aad uga cabanaya culeyska ay dowladda Federaalka ah ku heyso ee dhinaca xirnaanshaha Waddooyinka Magaalada,iyada oo magaalada Muqdisho ay hadda leedahay dhowr kala wareeg oo aanay baabuurta dadweynaha magaalada isu kala gooshi karin.

Mustaqbal media

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

6 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

11 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

15 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

18 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

19 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

21 hours ago