Maxkamadda sare ee Magaalada Gaarisa ayaa laashay xukun ay Maxkamadda Magaalada Mandheera ku ridday labo Haween ah oo lagu eedeeyay in ay Carruur ka ganacsanayeen.
Maxkamadda Mandheera ayaa Xaliimo Aadan Xasan iyo Kheyrto Ibraahim Cali ku heshay in Gabar 10 jir ah ay dhinaca Soomaaliya kala baxeen una wadeen Nairobi.
Waxaa ay Maxkamadda ku xukuntay bixinta lacag ganaax ah oo dhan 3Milyan oo Shilinka Kenya ah ama 30 Sano oo Xabsi ah,waxaana xukunkaas uu dhacay Bishii May ee la soo dhaafay.
Hayeeshee Maxkamadda sare ee Gaarisa ayaa oggolaatay racfaan ay ehelka Haweenkaas ka qaateen Xukunka waxaana ay amartay in dib loo maxkamadeeyo.
Qareenka u doodayay Gabdhaha ayaa sheegay in Xaliimo ay nuujineysay iyada oo Soomaan,halka Kheyrta ay leedahay Uur 5 Bilood ah sidaas darteedna ay tahay Maxkamadaha in ay dib u eegis ku sameeyaan xukunka Maxkamadda hore taas oo keentay in racfaan loo oggolaado.
Maxkamadda sare ee Gaarisa ayaa amartay in kiiska gabdhahan labada ah la dhegeyso 25ka Bishan July .
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…