Maxkamad ku taalla magaalada Wenzhou ee dalka Shiinaha ayaa xukunno adag ku ridday xubno ka tirsan qoyska Ming, oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falal burcadnimo iyo dambiyo laga geystay gudaha Myanmar.
Warbaahinta dowladda Shiinaha CCTV ayaa sheegtay in 39 xubnood oo qoyskaasi ka tirsan la xukumay, kadib markii dowladda Myanmar ay 2023-kii gacanta u soo gelisay Beijing.
Dhinaca kale, Maxkamadda Dhexe ee Magaalada Changchun, gobolka Jilin ee Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Tang Renjian, wasiirkii hore ee Beeraha iyo Arrimaha Miyiga, lagu xukumay dil dib loo dhigay laba sano, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira musuqmaasuq.
Xukunka ayaa sidoo kale dhigaya in Tang laga mamnuucay xuquuqdiisa siyaasadeed inta noloshiisa ka hadhay, isla markaana dhammaan hantidiisa lagu wareejiyo khasnadda dowladda.
Sida sharciga Shiinaha dhigayo, xukunka dilka dib loo dhigo waxa badanaa loo beddelaa xabsi daa’in haddii qofka dambiilaha ahi aanu ku kicin falal kale laba sano gudahood, waxaana xitaa lagu yareyn karaa haddii uu muujiyo akhlaaq wanaagsan.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…