Wasiirka Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhigiisa dalka Masar, Sarreeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Dalkaas.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada wadan iyo taageeridda Masar ee la xiriirta dagaalka AS iyo ilaalinta Nabadda Soomaaliya.
Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan arrimaha istiraatiijiga ah ee danaha labada dhinac.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa muujiyay sida uu Dalkiisu diyaar ugu yahay xoojinta xiriirka iskaashiga milateri ee labada dal, isagoo sidoo kale xusay in ciidanka Masar ee qeybta ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la filayo in ay dalka Yimaadaan ciidamo ka tirsan Militeriga Masar oo qeyb ka noqon doono howlgalka AUSSOM.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…