WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Sheekh Shaakir iyo taliyaha Ciidanka AMISOM oo Dhuusamareeb ku kulmay.

Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Madaxtooyada Galmudug kula kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Tigabu Yilma.

Kulanka  Madaxa Xukumada Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa diirada lagu saaray arimaha amaanka Deegaanada Galmudug gaar ahaan Deeganada ay gacanta kuhayaan Al shabaab sida lagu sheegay qoraal kooban oo la soo galiyay Barta Facebook ee Madaxa Xukumada Galmudug.

Kulanka Madaxa Xukumada Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in uu sulka ku hayo Cabasho ay hoggaanka Ahlusunna ka muujiyeen tagitaanka Ciidanka AMISOM ee Dhuusamareeb.

Taliyaha  Ciidanka Midowga Afriga ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kulamo kula leh Wasiirada Xukumada Faderaalka Soomaaliya ee ku sugan Dhuusamareeb Iyo Madaxda Galmudug ee ku sugen Dhuusamareeb.

Wasiirka amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo maanta lakulmay Taliyaha AMISOM ayaa sheegay in kala hadlay sidii Ciidanka Midowga Afrika ugu qayb qaadan lahaayeen nabad galyada Magaalada Dhuusamareeb  oo ay ka dhacayso Doorashada Maamulkaasi sida qorshahu yahey.

MM Staff

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

2 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

6 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

9 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

10 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

11 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

12 hours ago