GUDAHA/wararka

Muxuu yahay qorshaha Ciidamada AMISOM ee tagay Galmudug?

Wararka Mustaqbal ay ka heleyso Gobolka Galgaduud waxa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan AMISOM ay tageen Magaalada Guriceel.

Ciidamadaan waxaa loo qorsheeyay in ay sugaan ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Shiirkole oo lagu qabanayo Shirka dib u heshiinta Galmudug.

Waxaa maanta Dhuusamareeb tagay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee u dhashay Dalka Itoobiya Tigabu Yilma iyo saraakiil la socotay, waxa ay la kulmeen Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Ciidamada AMISOM waxa ay ka kala socdaan dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxa ay wataan gaadiid dagaal iyaga oo Safar dhulka ah ku tagay Guriceel.

Ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb waxa ay Mustaqbal u sheegeen in Ciidamada Jabuuti ay ku hakan doonaan Xarunta Galmudug.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku howlgalaya katirsan AMISOM waxa ay u gudbayaan Magaalada Hobyo oo a sheegayo in la bilaabayo dhismaha Dekeda Hobyo.

Web master

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

3 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

7 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

8 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

9 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

10 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

11 hours ago