Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Kenya Macharia Kamau, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka niyad jabtay go’aanka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ku diidday codsigii Kenya ee ahaa in Al-shabaab lagu daro Qodobka 1267 ee Golaha amaanka.
Wasiir Macharia Kamau, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dhibbane u tahay AL-shabaab oo sida uu sheegay laayay muwaaddiniin Kenyaan ah, dowladda Kenyana aysan fileyn go’aanka Golaha amaanka ku diideen baaqeeda.
Mr Macharia Kamau, ayaa sheegay in golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay ka filayaan in ay cadaadiska ku badiyaan Al-shabaab oo uu sheegay in dad rayid ah ay ku laayeen gudaha Soomaaliya iyo Kenya.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii diiday Qaraar Kenya horgeysay golaha amaanka kaas oo Al-shabaab lagu gelinayo qodobka 1267 ee Golaha amaanka islamarkaana dhigaya in dhulka AL-shabaab ka taliyaan aan gargaar la gaarsiin karin sidoo kalena cidkasta oo ku nool loo aqoonsanayo argagixiso lana beegsan karo.
Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya uga guuleystay kiiskan ay Kenya ku dooneysay in ay ku banneysato dhiigga Umadda Soomaaliyeed oo ay haddaba si aan sharci ahayd ugu leyso Gobollada Jubooyibka iyo Gedo oo ay Ciidamo ka joogaan.
Isha: The East African
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…